Dil Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay fiidkii hore gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ahaa Hoggaamiyaha kooxda Macwiisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ragga hubeysan marka hore weerar ku qaadeen Guriga Saraalka oo ku yaalla xaafadda howlwadaag ee Baladweyne, isla markaana ay toogasho ku dileen, xili uu halkaas ku sugnaa.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Xuseen dhurway, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayan in ragga weerarka soo qaaday iyo ilaalada Saraalka ay dhexmartay Israsaaseyn kooban.

Raggii ka dambeeyay falka ayaa goobta ka baxsaday,  waxaana intaas kadib goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Baladweyne, sidoo kalena sameeyay baaritaano aan weli wax natiijo ah kasoo bixin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dad shacab ah ay ku dhaawacmeen Israsaaseynta ka dhacday Baladweyne, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ku jiray Gabar iyo hooyadeed.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro, iyadoona falalkaas inta badan ay sheegtaan dagaalamayaasha Al-shabaab.