DEG DEG:- Koox Hubeysan Oo Qof Ku Dilay Magaalada Muqdisho

0

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay caawa Magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa, waxaana la sheegay in raggii falka dilka ah gaystay ay goobta isaga baxsadeen.

Dilka ayaa ka dhacay  xaafadda Juungal  ee degmada yaaqshid, waxaana si gaar ah dilku uga dhacay halka lagu magacaabo Biya degeenka.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in falka ay gaysteen dabley hubeysan, ayna goobta isaga baxsadeen dilka ka dib, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda oo howl gallo sameeyay.

Waxaa wararku intaas ku darayaan in Marxuumka lagu dilay Gurigiisa oo ku yaalla Biyadegga Masaajidka Mataanaha.