Villa Somalia oo war ka soo saartay shirka Dhuusamareeb iyo goorta uu gaarayo Farmaajo

0

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in maanta madaxweyne Farmaajo uu u safri doono magaalada Dhuusamareeb.

Cabdinuur waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu hoggaamin doono shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlada xubnaha ka ah, kaas oo lagu balansanaa in Sabtida maanta ah uu ka furmo halkaas.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu ku yiri qoraalkan oo xalay uu ku daabacay bartiisa xiriirka bulshada.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Agoosto ayaa lagu balansanaa in Dhuusamareeb la isugu tago, si halkaas uu uga furmo shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb-3, balse illaa hadda cidna ma xaadirin Dhuusamareeb.