Taliska Hawlgallada Mareykan ee Afrika oo sheegay in Saraakiil Al-Shabaab ah ay u dhinteen COVID-19

0

Taliska Hawlgallada Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay u geeriyoodeen cudurka COVID-19.

Warbixintan ka soo baxday AFRICOM ayaa waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka u sheegtay in Saraakiil ay u dhinteen cudurkan safmarka ah, inkasta oo aan lagu sheegin warbixita, magacyada iyo tirada Saraakiisha u dhintay COVID-19.

Warbixinta oo soo xiganeysa Taliyaha halwgallada gaarka ah AFRICOM Dagvin Andersom ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ay sidoo kale jiraan Saraakiil kale oo uu soo ridanayo cudurkan.

“Cudurku, masoo ridanayo oo kaliya Saraakiishooda Al-Shabaab, balse qaarkood ayaana u geeriyooday.”ayuu warbixinta ku yidhi Mr Aderson.