Muxuu maanta madaxweyne Farmaajo u sheegi doonaa golaha shacabka?

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Sabtida maanta ah uu hortago xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku kooban warbixin uu golaha ka hor jeedin doono madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay fariin loo diray xildhibaanada.

Wax faahfaahin ah weli lagama bixin warbixinta uu madaxwynuhu maanta ka hor jeedin doono golaha shacabka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada golaha shacabka ka dalban doono inay u ogolaadaan waqti dheeraad ah, si uu u soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha dalka.

Maanta waxa ay ku beegan tahay kolkii loo balansanaa in la isugu tago shirka Dhuusamareeb-3, balse illaa hadda mijo hal madaxweyne oo xaadiray Dhuusamareeb, markii laga reebo madaxweynaha martida loo noqanayo.