Madaxweynaha Galmudug “Waa Uu Dhacayaa Shirka Dhuusamareeb-3“

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay in Magaalada Dhuusamareeb uu ku dhacayo wejiga saddexaad ee shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in Maanta ay Dhuusamareeb tegayaan qaar kamid ah wufuuda ka qeyb galeysa shirka, isla markaana maamulkiisa uu u diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxda.

15-August oo aan ku balansaneen Shirkii Dowlada Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, wuu dhacayaa shirku, waxaana Dhuusamareeb imaanaya Wufuudii ugu soo horeysay, kuwa nasoo gaari waayana iyagan waa imaanayaan oo waa sugeynaa, Reer Galmudug waa diyaar garoobeen waana soo dhowaynayaan dhamaan martida.” ayuu yiri Qoorqoor.

Maanta oo sabti ayuu qorshahu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, hayeeshee ma jiro wax wafuud ah oo ka qeyb galeysa shirkaas oo halkaas gaaray.

Shirka ayaa waxaa looga hadli lahaa Arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, xili soo talo-bixinta Doorashada loo saaray Guddiyo farsamo oo ay soo magacaabeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.