Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare oo maanta la hor geynayo seddax qodob

0

Waxaa maanta jira kulan uu yeelanayo guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay fariin loo diray xubnaha guddiga.

Ajendayaasha kulanka maanta guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ayaa ka kooban seddax qodob oo kala ah.

1 –Warbixin kooban (Documentary) oo la xiriirta wax-qabadka Aqalka Sare, intii u dhaxeysay sanadihii 2017-2020-ka.

2 –Hadal-jeedinta guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

3 – Iyo Muddeynta dhageysiga warbixinta doorashada dalka ee 2020/2021-ka, oo goluhu uu ka dhageysan doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka.