DHAGEYSO:-Dib u dhac ku yimid Shirkii Dhuusamareeb

0

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ee horay ay ugu balameen maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed ayaa maanta tagi doona Dhuusamareeb.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in ay gaaraan Guddiga ka baarandegga arrimaha doorashooyinka ee maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in Shirka uusan baaqan ee uu furmi doono maalmaha soo socda, islamarkaana maanta Magaalada ay kusoo wajahan yihiin Wafuud kala duwan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay , iyadoo maalmihi lasoo dhaafay ay ka socdeen howgallo.