Wasiir Beyle”Soomaaliya 20-ka sanno ee soo socota waa in ay noqoto meel Afrika laga quudiyo”

0

Kulan looga hadlayay kaalinta Dhallinyarada iyo Haweenka ee horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa aad loogu fallanqeeyay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maaliyadda, gaar ahaan horumarka laga gaaray dib habeynta Maaliyadda dalka oo ay hourmuud u tahay Wasaarradda Maaliyadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka guud iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gaar Dhallinyarada iyo Haweenka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar ayaa sheegay in dhallinyaradda iyo haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin ka qabqaadashada dib u dhiska dalka iyo horumarka dhaqaalaha.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Saleebaan Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti, Guddoomiyaha Uruurka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray haweenka iyo dhalinyarada iyo sida ay qeyb muuqata uga qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha dalka gaar ahaana bixinta canshuuraha.Wasiirka Maaliyadda xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa sheegay in ay muhiim tahay bixinta canshuuraha si loo horumariyo dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa sheegay in doorka dhallinyarada iyo haweenka uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in dadaalka deyn cafinta Soomaaliya ay ku yimid horumarka iyo dib habaynta hannaanka Maaliyadda dalka laga gaaray.

“Waxaan u mahadcelinyaa canshuur bixayaasha Soomaaliyeed, waxaa ii muuqata in dalkani uu rajo badan leeyahay, waxaan ka fikareyna in Soomaaliya ay 20-ka sano ee soo socota ay Soomaaliya noqoto meel Afrika laga quudiyo, ogaada haddaan casnhuurta la bixin dalkan meel ma gaarayo”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Gudoomiyaha dhalinyarada Gobalka Banadir ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay wasaaradda Maaliyadda garab istaagaan. Guddoomiyha Haweenka Qaranka Batuulo Sh.Axmed Gaballe ayaa wasaaradda maaliyadda ku bogaadisay sida ay awoodda u siineyso haweenka iyadoo balan qaaday inay garab taagan yihiin haweenka.

Dhamaan masuuliyintii ka hadashay goobta oo ay kujireen kuwa ka socday dhalinyarada, haweenka iyo hey’adda Culimada ayaa uga mahadcelisay wasiirka maaliyada sida uu ahmiyadda u siiyeyin dhalinyarada iyo haweenku door firfircoon ku yeeshaan hormarinta dhaqaalaha.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka aheyd Barnaamijyada Wasaaradda Maaliyadda ee la falgalida dadweynaha iyo qeybaha kale duwan ee bulshada si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta canshuuraha taas oo uu gacan ka geysanayo Bangiga Horumarinta Afrika.