Puntland Oo Daahfurtay Wejiga Labaad Ee Waxbarashada Elegtarooniga

0

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo daah furtay  wejiga labaad ee Waxbarashada elegtarooniga ee fasallada 1aad ilaa 7aad ee dugsiga hoose/dhexe iyo fasallada  9aad ilaa 11aad ee dugsiga sare.

“Waxbarasho lagu sidkay tiknooloji, ayaan dhiggeenna caalamka kula tartami karnaa”

Barnaamijkan aaladda “Learning Passport” ayaa ah  hannaan cusub oo u fududaynaya ardaydu in ay casharrada, ay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland duubtay (iyo kuwa ay duubi doonto dhawaan) ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, ay ka daawadaan moobillada iyo kambuyuutarrada.

Daahfurkan Banamijka ayaa  waxaa ka soo qayb galay maanta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada  iyo Agaasimaha Wasaaradda Cafimaadka iyo  Agaasime-waaxeeddada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Agaasimaha Guud ayaa ka hadlay heerarka uu soo maray barnaamijkakan online-ka ahi sida uu ku bilowday.

“Horumarka teknoolojiga ayaa in muddo ahba suurta gelinayey in dad kala fog aqoon is weydaarsadaan, taasna waxaa ka faa’iidaystay xarumo aqooneed oo bilaabay inay ardaydooda kula xiriiraan qalab iyo adeeg ay foogaanta wax uga baran karaan” ayuu yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

“Nidaamka cusub oo online ah ayaa haddaba sare u qaaday rajada, isla markaana macallimiinta, ardayda iyo dhamaman bahda Waxbarashada ku dhaliyay farxad” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasimaha guud ee Waxbarashadu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, oo ka soo qayb galay barnaamijka ayaa yiri: “Ujeeddadeennu waa in aan xaqiijinno in carruurteenna ay helayaan caafimaad iyo  waxbarasho, iyo sidoo kale fursadaha oo ay kartidooda uga faa’iidi karaan naftooda iyo dalkooda,”

“Waxaan raaceynay awaamiirta dowladda Puntland ee kala fogaanshaha bulshada iyo xiritaanka xarumaha waxbarashada, si loo badbaadiyo nolosha. Haddii kale, annaga darteen, halista Fayruska Karoona  (Coronavirus) wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa bulshada” ayuu yiri Cabdirisaaq Xirsi Xasan; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  Puntland.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa xusay in waxbadan laga  faa’iiday barnaamijka laga helay intii iskuulladu xirnaayeen oo uu sameeyey COVID19.

Yoolalka horumarka raandhiiska leh ee lagu xaqiijiyo waxbarasho loo wada dhan yahay loona siman yahay, hase yeeshee, intaas waxaa ku ladhan in xaaladdan wax laga beddeli karo, hasdii la helo waxbarasho tayo leh oo mideysan iyo tababbaro la xiriira xirfadaha nolosha, kuwaas oo horumarin kara helitaanka waxbarashada iyo sinnaanta dhinaca waxbarashada.

Adeeggaan oo ONLINE ah, waxa qura oo ardaydu u baahan yihiin, si ay casharradaan ula socdaan, waa in ay Google Play Store-ka kalasoo dagaan app-ka CILMI ama ay booqdaan websaydka Puntland Learning Passport.

Tababbar gaaban oo kor loogu qaadayo kobcinta garaadka aqooneed iyo kan siyaasadeed heerka Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare.

Barnaamijkaan duubista casharrada online ah ayaa ka duwan kii hore, maaddaama casharradu ka badan yihiin bishii May iyo Juun.

Waxaa kaloo lagu soo siyaadiyey agabka duubista ah oo ka duwan  muuqalkii hore.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee dawladda Puntland waxa ay uga mahadnaqaysaa hay’adda UNICEF, shirkadda Microsoft iyo Jaamacadda Cambridge gacanta deeqsinnimo ee ay ka siiyeen hirgelinta adeeggaan oo wax weyn ka tari doona daboolista baahida waxbarasho ee ubadka iyo da’ yarta ku nool guud ahaan Puntland.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku rajo weyn tahay in adeeggaan uu si gaar ah u caawin doono dhallaanka ku nool xeryaha barakacayaasha iyo ilmo kasta oo laga yaabo in duruufo dhaqan-dhaqaale ka hor istaageen inuu helo waxbarasho.

“Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa”.