Madaxweyne Waare Oo Wareegto Xilka Uga Qaaday Wasiir

0

Madaxweynaha Maamukl Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle, waxaana xilkaas uu u magaacabay Cabduqaadir Abuukar Maxamuud.

Xilka  Wasiirkii Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle ayaa waxaa horay u hayay  Cali Xaaji Cabdulle, waxaana xilka looga qaaday wareegto kasoo baxaday madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ku howlan fatahaadaha uu sameynayo wabiga shabeelle.