Qaad Loo Soo Waday Muqdisho Oo Garoon Diyaaradeed Lagu Qabtay

0

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku qabtay Boorsooyin dhowr ah oo uu ku jiray qaad aad u farabadan.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in Boorsooyinka qaadka laga soo buuxiyay loo soo waday dhinaca Magaalada Muqdisho, lana doonayay in la soo saaro diyaarad ku soo socotay Caaismadda dalka, hayeeshee la qabtay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in baaris rasmi ah lagu sameyn doono dadkii soo geliyay qaadka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug, isla markaana tallabo laga qaadi doono.

Qaadkaan Boorsooyinka lagu soo waday ayaa la sheegay in laga keenay Meelo Kabaxsan Galmudug, iyadoona qorshaha uu ahaa sidii qaadka loo geyn lahaa magaalada Muqdisho, in kastoo laga hortegay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in laamaha amniga Galmudug ay goob faraagre ah ku gubi doonaan qaadka lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, xili kal korey Dowladda Federaalka ay mamnuucday qaadka.