Madaxwaynaha Lubnaan oo ka aqbalay is casilaada R/Wasaarihiisa

0

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof.

Ra’iisul wasaare Xasan Diab ayaa is casilaaddiisa ka sheegay telefishinka qaranka.

Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee Talaadadii ku qaraxday dekadda caasimaddaasi.

Shacabka waxay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweynaha Lubnaan Mishaal Cown ayaa dhankiisa aqbalay is casilaada Xukuumada isagoona ka codsaday in ay xilka sii hayso tan iyo inta uu kasoo dhisayo xukuumad cusub.