Dowladda Oo Ka Hadashay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax shalay ka dhacay xarun talisku ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay jiraan khasare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxaas.

Waxaa uu sheegay taliyuhu in laba Askari ay ku dhinteen Qaraxa, halka ay ku dhawaacmeen Siddeed kale.

Khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah ayuu shegay in ay yihiin todobo ruux oo ku dhaawacmay qarax, waxaana uu sheegay in uu ku jiro wiil yar oo 12 jir ah.

Shalay ayay ahayd markii Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Xerada Guutadda 12-ka Appil ee Ciidanka Xoogga.