Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay koofur afrika

0

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Waddanka Koofur Afrika ayaa laga soo xigtay in gudaha Dalkaasi lagu dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Koox hubaysan oo burcad u dhashay koonfur Afrika ayaa la sheegay in ay gudaha magaalada Darban ee Koonfur Afrika ku dileen muwaaddinkaas Soomaaliga ah oo goob ganacsi ku lahaa Darban.

Burcadkii dilka u gaystay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay bililiqo u gaysteen xaruntiisi ganacsi sida laga soo xigtay xubnaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Faarax ayaa kamid ahaa Soomaalida ka carartay Colaadihii dalka ka dhacayay islamarkaana ganacsiga ka sameeyay waddanka Koonfur Afrika