Masuuliyiin loo xir xiray qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut

0

Mas’uuliyiin ka shaqeynayay dekadda Beyrut ee uu ka dhacay qaraxa dadka badan laayay ayaa la geliyay xabsi guri, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen, sida ay sheegtay dowladda Lubnaan.

Qaraxa ayaa galaaftay noolasha dad ka badan 135 qof, waxaana ku dhaawacmay 4,000 oo kale.

Lubnaan waxaa hadda ka dhaqangalay xaalad degdeg ah oo laba todobaad soconaysa.

Madaxweyne Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah.

Madaxa kastamada ee Lubnaan, Badri Dahir, ayaa sheegay in hay’adda uu madaxda ka yahay ay codsatay in kiimikadaasi dekadda laga qaado, balse “aanay taa dhicin.