Warar Hordhac ah oo ka soo baxaya sababihii dhaliyay Qaraxii Beirut

0

Waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku saabsan sababta keentay qaraxii shalay gilgilay caasimada dalka Lubnaan ee Beirut.

Tirada dadka ku dhintey qaraxan ayaa gaartay 78 ruux halka uu dhaawacana kor u dhaafay 4,000 oo ruux.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay dekeda Beirut muddo lix sano ah uu sababay qaraxa.

Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Qaraxa maadada ammonium nitrate ayaa hawada ku sii deyn kara gaas sun ah

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin.

Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa waxa ay sheegeen in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay.