Turkiga oo Beeniyay in Ciidamo Soomaali ah uu u adeegsanayo Dagaalka Liibiya

0

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo Wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Turkiga u faafisa ee Anadol waxa uu uga xog warramay dhismaha Ciidamada Dowladda iyo dadaalada ay gelisay Xukuumadda Ankara.

Yilmaz ayaa ka sheekeeyay dhismaha Ciidamada Soomaaliya, qaabka tababarka ay u bixiyaan, kaalmadii caawinaadda ahayd ee 2011-kii kusoo galeen Dalka iyo xiriirka qotoda dheer ay isku badashay gacansiintaas.

Marka la eego arrinta dalka Liibiya oo Warbaahinta Waayihii dambe qabsatay waxaa wax laga weydiiyay in Ciidamada Soomaalida ah oo ay tababaraan in ay u adeegsanayaan dagaalka ka socda Wadankaan dhaca Waqooyiga Afrika.

“Turkiga waxa uu Militari ahaan la shaqeeyaa Soomaaliya, innaga oo ka caawino dhismaha, sugidda ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo qaabka loo wajahayo duruufaha dagaalada” ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamada Nabad ilaalinta Afrika, waxa ay kaalin muuqata ku leeyihiin sugidda amniga, sidaas oo ay tahay Ciidamada aan tababarnay waa ay la howlgalaan, haatan Ciidamada AMISOM waxa ay ku jiraan Xaalad isku diyaarinta Bixitaankooda” ayuu ku daray.

Waxa uu soo hadal qaaday wararka Warbaahinta Carbeed iyo kuwa Gudaha Liibiya ay daabaceen oo ay ku sheegeen in Askar Soomaali ah oo ay wataan Turkidu garabsiinayaan Dowladda la aqoonsan yahay.

“Baraha Bulshada ayaan ku arkay iyada oo lagu daabacayo in Ciidamo Soomaali ah aan geynay Dalka Liibiya si ay qaby ugu noqdaan dagaalka dalkaas, waxa aan aan xaqiijinayaa in aysan arrintaasi xaqiiq ahayn” ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhawaan gaashaanka ku dhuftay jiritaanka in Ciidamo Soomaali ah qayb ka yihiin xiisadda u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Liibiya iyo Jananka Gadoodka ah ee Khaliifa Xaftar.