Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo dhiggiisa Lubnaan la qaybsaday murugada qaraxyadii ka dhacay Magaalada Bayruut

0

Mahdi Maxamed Guuleed Qadar Sii hayaha Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya oo xiriir telefoon la sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Xasan Diyaab (Hassan Diab) waxa uu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Bayruut.

Guuleed ayaa sheegay in dhibaatada gaartay reer Lubnaan ay la xannuunsayaan Bulshada iyo Dowladda Soomaaliya, sidaas awgeed ay garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda dalkaas oo xaalad Murugo ku jira.

Qoraal lagu daabacay Bogga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu sheegay in xiriirka sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha uu la sameeyay Wasiirka koowaad ee Lubnaan uu ka dambeeyay kadib markii qaraxyo dad ku dhaw Boqol ruux ku dhinteen ay ka dhaceen Magaalada Bayruut, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya Saddex kun oo ruux.

Lubnaan iyo Soomaaliya waxa ay xubno ka yihiin Ururka Jaamacadda Carabta, waxa ay sidoo kale xubno wanaag ka yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Qaramada Midoobay oo matalaad ku kala leeyihiin.

Dalka Lubnaan ayaa galay xaalad Musiibo, kadib markii qaraxyo ka dhashay ammonium nitrate ku keydsaneed Bakhaaro ku yaalla Dekedda Dalkaas labo qarax sameeyeen, sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Dalkaas Miishal Cown (Michel Aoun).

Isbitaallada waxaa jiifo dad la xannuunsanaya dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaaray Qaraxyada, halka dadka hilibkooda la helay ee dhintay la geliyay qaboojiyaal lagu sii heynayo muddo aysan cayimin Dowladda