SAWIRRO:-Madaxwayne Qoorqoor oo Safar ugu baxay Turkiga

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa safar ugu amba baxay maanta Dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul.

Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan.

Waxa uuna carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.