Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Safiiro Shir La Yeeshay

0

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir la yeeshay qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka Soomaaliya u jooga.

Madaxweyne Waare ayaa Shir Khadka internet la yeeshay Safiirada Somaliya u jooga US, UK, EU, iyo UN. Waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay  hanaanka geeddi socodka nabadeed ee Soomaaliya sida arrimaha  Doorashooyinka Dalka iyo sidii wadi lahaa natiikooyinka shirarkii Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa si gaar ah isha ugu haysa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana si gaar ah loo wada sugayaa shakhsiga Madaxweyne farmaajo uu usoo magacaabi doono xilka ra’iisul wasaaranimo iyo sidoo kale nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.