Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Muqdisho Kula Kulmay Wasiiro

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada muqdisho kula kumay Wasiirada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dalka Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur, Wasiir ku Xigeenka Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo, waxaana ay iska xog wareysteen Madaxweynaha iyo Wasiiradaas Xaaladda Siyaasadeed, Midda amni, iyo Tan Bulsho ee Hirshabeelle, iyo Horumarinta Guud ahaan Deegaannada State-ka.

Sidoo kale Kulanka waxaa Madaxweyne Waare ku Wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi, iyo Wasiirada Madaxtooyada, Amniga, iyo Dib u Heshiisiinta Hirshabelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona kulamo la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo xubno kale.