Kenya oo War kasoo saartay Diyaarad Militari oo ku dhacday Degmada Dhoobley

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Koofurta Soomaaliya shalay oo Talaado ahayd uga dhacday diyaarad nuuca Helicopter-ka ah oo u adeegaysay Ciidamada dalkaas ee ku jira howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Zipporah Kioko oo ah Afhayeenad u hadashay Waaxda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in diyaaraddaas ay dhacday, kadib markii ay ka baxday marinta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose.

“Dhammaan Tobanka ruux ee Militariga ah ee la socday diyaaradda waxaa la geeyay isbitaal Militari oo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, xaaladoodu waa ay wanaagsan tahay” ayay tiri Afhayeenaddaan u hadashay Ciidamada Difaaca Kenya (KFD).

“Baaritaanno ayaa socda, waaxda dabagalka ee shaqada ku leh howshaan ayaa ku howlan sababta diyaaradda ciladdeeda keentay” ayay sii raacisay.

Diyaaraddaan dhacday waxa ay wararku sheegayaan in ay si joogto ah ay ugu adeegeysay Ciidamada militariga Kenya ee ku sugan Gobolka Jubada Hoose, waxaana ay dhacday xili habeen ah oo ay adag tahay in la helo xogta dhaq-dhaqaaqa garoonka.

Kenya Soomaaliya waxaa ka jooga Askar ku howlgalka AMISOM oo gaaraya 4,000, waxaana ay ka diiwaangashan yihiin Ururka midowga Afrika, iyaga oo mas’uul ka ah Deegaannada Jubbaland.

Dowladda Kenya ayaa musiibo ku tilmaamtay diyaaradeeda ku dhacaya Gudaha Soomaaliya, waxaana mid kamid ah diyaaradaha ka diiwaangashan dalkaas Ciidamada Itoobiya ayaa 4-tii May ku rideen Bardaale, mid ayaa ku dhacday Garoonka Ugaas Khaliif Magaalada Baladweyne 14-kii July.

kenya