Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Bay

0

Wararka ka imanaya gobolka Bay gaar ahaan deegaanka Deynuunaay ayaa sheegay in dagaal khasaaro xoog leh geystay uu ka dhacay deegaankaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen degaanka Deeynuunaay iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa deegaankaas iyo dagaalamaaysha Al-Shabaab.

Dagaalkan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Abaanduulihii qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Isxaaq ayaa ka mid ah ciidamada ku dhintey weerarkan.

Dagaalamayaasha ALshabaab oo wadada u galay ciidamo gurmad ah oo ka soo tagay magaalada Baydhabo kuna soojeeday deegaanka Deynuunay ayaa weeraro qarax iyo gaadmo ah ku bilaabay kolonyadii ciidamada gurmadka ahayd.

Dagaalka maanta ka dhaccay Deynuunay ayaa waxa uu ka mid yahay dagaalo isdabajoog ah oo hore ugaga dhacay deegaankaas.