Wasiirka Maaliyadda oo shuruud ku xiray bixinta lacagta gurmadka Fatahaada Afgooye

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacag loogu tala galay gurmadka Fatahaada degmada Afgooye oo todobaadyo ka hor ugu deeqday Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in lacagaas oo gaareysa Nu million dollar Mareykanka aysan bixin doonin haddii aan la helin hannaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaas la musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo Maamulka Koofur Galbeed, si loogu wareejiyo lacagtaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa eedeyn u soo jeediyay Wasiir Beyle, gaar ahaa Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasiirku ku fashilmay bixinta lacagta gargaarka degmada Afgooye, maadaama dadkii ku barakacay fatahaada ay u baahan yihiin.

Kumanaan qoysas ayaa ku barakacay fatahaada degmada Afgooye, kaddib markii wabiga shabelle uu ku soo fatahay xaafado ka tirsan degmada Afgooye.