Wasaaradda Waxbarashada oo Ansixisay Dhaqangalka Manhajka Dugsiyada Sare

0

Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federalka ayaa soo saartay qoraal ay ku ansixinayso dhaqangalka Manhajka Dugsiyada Sare oo dhowaan la dhamaystirey daabacaadiisa.

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo saaray Qoraal uu ku sheegayo in la aqbalay manhajka ayna waajib tahay in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo.

Waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyaad Barre oo ay dowlada Soomaaliya amarto in hal manhaj laga isticmaalo dugsiyada dalka.

Dugsiyada dalka ayaa laga isticmaalaa manhajyo kala gedisan kuwaasoo badankood ay yihiin manhajyada wadamada carabta.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada;