Maxkamadda Jubbaland Oo La Horgeeyay Eedeeysanayaal

0

Maxkamadda Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga Kiisaska Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland iyo laba qof kale, kuwaasi oo loo jeediyay eedeeymo Culus.

Saddex Askari oo ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa lagu helay kiis ah inay dil u geysteen Nin shacab ah xoogsato ahaa, waxaana dilkaas loo geystay uu ka dambeeyay, kadib markii Askarta iyo marxuumkaas oo lagu magacaabi Jiray Nuur Maxamed Cabdulle uu muran soo kala dhex-galay xili ay ku sugnaayeen goob dhismo ka socday.

Saddexdaas eedeeysane ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdiqafaar Bishaar Xasan, Bille Buraalle Dhaqane iyo Yuusuf Xuseen Xasan, iyagoona Maxkamadda kahor qirtay inay ka dambeeyeen falkaas.

Sidoo kale Maxkamadda ka soo hor muuqday eedaysaneyaasha ah Faarax Cabdirashiid Cilmi iyo Maxamed Rashiid Maxamuud oo loo haysto eeda ah dil ay u gaysteen Marxuum Cabdifataax Maxamed falkaan ayaa ka dhacay miyiga galbeed ee dagmadda Kismaayo gaar ahaanna deeganka Ungumi.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Jubbaland oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa uu sheegay inay Go’aan kasoo gaari doonaan Kiisaska eedeeynayaasha.