Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulmay Wakiillada Beesha Caalamka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo kusugan Magaalada Muqdisho ee Casimadda Dalka ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Ku Xigeenka 1aad Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Wakiilada Dowladaha USA, Amb. Yamamoto, UK Amb. Ben Fender iyo Mas’uul kasocday EU oo kulanka Madaxweynaha uga qeybgaleen aaladda Internetka.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka, waxaana ay ka wad hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud.

Arrimaha doorashooyinka iyo shirkii dhawaan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa si weyn loogaga hadlay kulanka, iyadoo la isla meel dhigay sidii looga wada shaqayn lahaa dardar galinta natiijadii kasoo baxaday shirkii Dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.