Galmudug oo canshuur ku soo rogtay, goobaha ganacsiga iyo guryaha ay degan yihiin dadka shacabka

0

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa canshuur ku soo rogtay dhamaan goobaha ganacsiga, guryaha ay degan shacabka , gaadiidka dadweynaha iyo waxyaabaha la midka ah.

Wasiirka maaliyadda ee maamulka Galmudug Farxaan Cali Gaban oo shir jaraa”id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in amarkan ku aadan ee canshuur qaadista ay beri ka dhaqan geli doonto deegaanada Galmudug.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha iyo hay’adaha iyagana canshuur laga qaadi doono.

Canshuur kordhinta Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa waxay saameen xoogan ku yeelan doontaa Ganacsatada, gaadiidka dadweynaha, shirkadaha iyo guryaha ay degan yihiin shacabka ku nool deegaaanada Galmudug.

Amarka wasaarada maaliyada ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono.