Dowladda Oo Diyaarisay Qorshe Lagu Yareynayo Khataraha Musiibooyinka

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka ku yeeshaan dalka.

Wasiirka oo ka qeybgalay shir gaar ah oo uu guddoomiyay sii hayaha ra’isal wasaaraha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jira hadana ay qasab tahay in xoogga la saaro in la sameeyo hab-dhismeedyada muhiimka ah ee ka qeybqaata maareynta iyo ka hortagga musiibooyinka.

Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa tilmaamay in wadashaqeyn dhaxmarta dhammaan hey’adaha Dowladda ay wax weyn ka tarayso wax ka qabashada xaaladaha uu dadka masuulka ka yahay iyo kuwa dabiiciga ahba.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in saameynta bulsho oo ay musiibooyinka geystaan gaar ahaanna ay ku yeeshaan dadka taagta daran ay sii murjineyso xaaladda nololeed ee dadkaas iyo sidi ay uga kori lahaayeen faqriga.

Isagoo ka hadlayay kulanka saakay kadib, waxaa Wasiirka uu tilmaamay in loo baahanyahay shacab iyo dowladba loo howlgalo sidii loo diyaarin lahaa loona qaadi lahaa tallaabooyinka muhiimka ah ee looga hortagi karo halisyada ka hor inta aanay dhibaato gaarsiin dadka meel ay adagtahay in laga soo noqdo.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha iyo siyaasado muhiim ah oo ay ka mid tahay siyaasadda qaran ee maareynta musiibooyinka oo muhiim ah maareynta iyo kahortagga halisyada dhaca.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaraddu sameysay kaabayaasha muhiimka ah ee loo adeegsado sii ogaashaha halisyada si looga jawaabo ka hor inta aanay musiibo isu badalin

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa carrabka ku xoojiyay in ka wasaarad ahaan xoojinayaan isu-duwista iyo qaban qaabinta dadaallada kala geddisan oo ay wadaan dhinacyo badan sida dowladda, hey’adaha UN-ta, ganacsatada iyo ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gargaarka.