Aqalka Sare Oo Ansixiyey Xubin Ka Mid Ah Guddiga Doorashada

0

Golaha aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad ee golaha waxaana ajandaha maanta uu ahaa ansixinta xubin ka mid nooneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka.

Dhammaan xildhibaanada kulanka xaadiray ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada,Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Doorashooyinka.