Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta taariikhduna ku beegan tahay 3/8/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Sii Wadida Dib u eegista Miisaaniyadda 2020.
Ka Doodis iyo u Codeyn Wax Ka Badalka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka golaha shacabka isla markaana ay soo xaadiraan .