Wasiir Islow Oo Fariin U Diray Madaxweyne Farmaajo

0

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Maanta ka qeyb galay Shirka Beesha Mudullood uga socda Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Islow ayaa waxaa marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo qeyb galo Shirka Beesha Mudullood oo uu sheegay inuu yahay mid wadatashi ah oo lagu sixi doono waxyaabaha qaldan ee jira.

Wasiirka Amniga ayaa waxaa uu ka hadlay Arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2020/2021, isagoo sheegay in Doorashada dalka ay muhiim tahay inay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, wuxuuna xusay in Doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay aan waqti lagu karin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Doorashadii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

saga oo sii hadlaayay Ducaale ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu wadaddii Madaxdii ka horeysay, isla markaana Doorashada dalka lagu qabto waqtigii loogu tala-galay.

“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay” ayuu yiri Wasiir Islow.

Ugu dambeyn Siihayaha Wasiirka ayaa waxaa uu u mahadceliyay dhamaan Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee ka qeyb galay Shirka Beesha Mudulloodu socda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii kasoo shaqeeyay qabsoomida shirkaas.