Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamada AMISOM ee jooga dalka

0

Midawga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay taliye cusub oo badalaya Taliyihii hore Lt. Gen. Tigabu Yilma oo dhalashadiisu ahayd Itoobiyaan.

Taliyaha Cusub oo lagu magacaabo Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa dhalashadiisu tahay Burundi, Waxaana uu xilka xilliyada soo socda kala wareegayaa taliyihii hore oo xilka taliyenimo ku shaqaynayay tan iyo bishii Janaayo, 2019 kii.

“Waxaan u imid inaan caawiyo Afrika, inaan caawiyo Soomaaliya, inaan caawiyo walaalaheen. Dhowr jeer oo horey ayaan halkan imid, laga soo billaabo 2007 illaa 2012,” ayuu yiri Jeneral Diomede Ndegeya oo hadlay kadib markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ndegeya oo 57 jir ah, ayaa horey uga shaqeeyey Soomaaliya intii u dhaxeysay 2007 illaa 2009 isaga oo xubin ka ahaa ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo u jooga howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaa ayna kala socdaan wadamada kala ah, Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana ay dagaalo culus la galeen Al-Shabaab.