Sheekh Shariif “Muddullood waa inay ka garaabaan dhibaatada kale ee walaalahood ka tabanayaan”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayay shirweynaha Beelaha Mudullood oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Beesha inay ka garaabaan dhibaatooyinka ay ka tabanayaan beelaha kale.

Sheekh Shariif ayaa soo dhoweeyay, dhiira gelina u sameeyay dadaalka uu wado Imaamka Mudullood oo ahaa inuu la fariistay beelaha kale ee ka tabanaya, intii burburka ka dhaceen dalka.

“Muddulood waa inay ka garaabaan dhibaatada kale ee walaalahood ka tabanayaan. Waa inay shir kale isugu keenaan oo laga garaabo dhibaato kasto oo ku dhacday qof walbo oo Somaliyed”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Mar uu ka hadlayay arrimaha tabashada ciidanka ayuu sheegay in Beesha ay tahay tan ugu badan ciidanka xoogga, ayna u hurreen naf iyo maalba, isagoo dalbaday in aan lagu dhibaateyn ciidanka.

“Mudullood xoogooda ugu badan waxay geliyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan xoogga waa mudullood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay duruufo adag”ayuu yiri Sheekh Shariif

Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada iyo muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ayuu xusay inay waqti siiyeen, isla markaana maalintii la dooranayay isaga iyo Xasan Sheekh ay garab istaageen, iyadoo aanay cid ka dalbatay ama tiri garab istaaga aysan jirin,

Waxaa uu sheegay inay doonayaan in la aado doorasho, ayna diyaar u yihiin, isagoo xusay in arrinta doorashada qof iyo codka dowladda wado ay tahay arrin lala yaabo oo aan suura gal aheyn

“Walaalkeey Salaad Cali Jeelle wuxuu yiri doorasho qof iyo cod ayan rabnaa lakin aniga waxan leeyahay Doorashada la qabanayo xitaa Farmaajo ma oga nooca ay tahay, Marmar ayan isdhahaa Shariifow dabaal miyaa tahay horta. Sidee lagaaga dhaadhacsiin karaa Doorasho qof iyo cad ayaa dhaceeyso Agoosto ka hor, Bahashaan waa leesku dhiibaa waa qori tuur. Hadaan aniga iyo Siyaad Barre iyo Cabdi Qaasim sii heysan laheen kursiga. Ka waran Xasan Sheekh iyo Farmaajo sacadaan madaxweyne ma noqon lahaayeen. Waa maya”

Sheekh Shariif oo si gaar ah ula hadlayay Madaxweyne Farmaajo sii hadlayay ayaa yiri “Saxibkeeyoow Kursiga waa macaan yahay anagaa soo aragnay laakiin asoo macaan ah ayaan ka dagnay. Adna walaalow nala tartan”

“Aniga ugu dambeyn waxaan leeyahay Doorashada diyaar ayaan u nahay ee dowladda diyaar ma u tahay”