Loolanka Dalalka Itoobiya iyo Masar Somaliland Dan ma ugu Jirtaa ?

0

Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia Qorshaynayso inay  Wakiil buuxa u dirto magaaladda Hargeysa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisaneyso Somaliland.

Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xidhiidh xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile, Waxayna Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka sameysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa.

Falcelintaani waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka sameeysato Somaliland. “Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xidhiidh la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xiriiradda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartiis. “Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yidhi.

“Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu yiri.

Weli lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxaa la sheegay in labada dhinac ay heshiis gaadheen, isla markaana ay isdhaafsanayaan wakiillo heerkoodu sarreeyo.

Ergo ka socotay dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda Axmed Shide ayaa tagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib booqashadii wafdiga Masaarida.

Laakiin Muft waxaa uu diiday wararka sheegaya in booqashada Ethiopia ay ku timid walaac ay ka qabto qorshaha Masar. “Waxaa jira jadwal joogto ah oo u jeedkiisu yahay in looga wadahadlo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka u dhexeeya, waxna kama quseeyaan Masar wafdiga Ethiopia ee tagay Somaliland.”

Isda uu egyahay muranku, Somaliland waxay u muuqataa in ay heleyso faa’iidada ugu weyn, iyadoo kordhineeysa baadi goobkeeda aqoonsi caalami ah oo ay riixaysay muddo 30 sano ah.