Faahfaahino ka soo baxaya weerar lagu dilay masuul ka tirsanaa degmada Wanla-weyn

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan weerar xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto.

Guddoomiyaha ayaa u dhintay Bam-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka degan yahay degmada Wanlaweyn, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay qaar kamid ah qoyskiisa oo ka kamid yihiin Aabihiis iyo xaaskiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa saaka waxaa ay baaritaano ka wadaan gudaha degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeellada Hoose.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Dowlad Gobolka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn,waxaana uu sheegay in uu u geeriyooday bam gacmeed lagu weeraray Hoygiisa.

Sidoo kale  Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii lagu dilay guddoomiye ku xigeenka Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Cumar(Koosto), kaas oo ay kooxo hubeysan ay ku weerareen hoyga uu ka degenaa Walaweyn.

“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo kooxo hubeysan ay ku weerareen hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi geeriyooday ugu dambeynta ayaa lagu yiri” qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.