DHAGEYSO:-Cumar Filish “Waa in la helo masaalix lama taabtaan ah oo beesha Mudullood ay leedahay”

0

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirka beelaha Mudullood, kaas oo looga hadlayo arrimo u gaar ah beesha iyo kuwo guudba, waxuuna shirkan dib u dhac ku yimid marar badan.

Shirkan ayaa ka furmay Mowlaca Macalin Nuur ee ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culumida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii hadalka ka jeedisay shirka ayaa hadlay arrimo dhawr ah, waxuuna ugu horeyn xusay inay lama huraan tahay “In masuulka ka dhashay beelaha Mudullood ee xilka haya iyo kan ka degay ay jirtaan wax ay wada dhowrtaan.”

“Umad waxay ku hormartaa talo mideysan iyo mabaa’dii, waxaan u baahanahay masaaliix joogto ah oo aan marnaba raacin is bedelka siyaasadeed ee dalka”ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.