DHAGEYSO:-Cali Geedi Oo fariin mug leh udiray Madaxweyne Farmaajo

0

Ra’iisul Wasaarihi hore Cali Maxamed Geeddi oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Mudullood waa Maktabad Qaran laga soo bilaabo AUN Madaxweyne Aadan Cadde ayaa lagu soo aaminay hoggaanka Ummadda Soomaaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda”

Cali Maxamed Geeddi oo sii hadlayay ayaa yiri “Dowladda maanta jirta meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaalinaa Dowladnimada”

Iyadoo shirka uu si habsami leh iyo hab maamuus ku socday, ayna dhamaatay khudbadii Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi ayaa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu shirka ka kiciyay fowdo iyo buuq, isagoo dalbaday in xoog lagu Cod baahiyaha, taasoo wax yar hakisay khdubadihii shirka.