DAAWO:-Khudbadii Salaad Cali Jeelle uu Buuqa ka dhalisay Shirka Mudulood

0

Waxaa Buuq ka dashay Khudbadii uu maanta Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Shirka Mudulood.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in haddii shirka khudbadaha laga jeediyay aysan ku jiri laheyn arrinta doorashada uusan soo kici laheyn, isagoo yidhi “Shirka hadduu shir mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorasha laga hadlay, sidaas u soo kacay, doorasho dadban la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan”

Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo fadhiga ka soo kacay ayaa markii buuq ka dhashay khudbadii Salaad Cali Jeelle iyo fowdada uu geliyay habsami u socodkii khdubadaha ayaa ayaa sheegay in shirku yahay shir mudullood oo aan mucaarad iyo muxaafad aheyn nin aan mudul laheyn uusan goobta joogin, balse waxaa uu yiri in qof walba uu cod leeyahay.

“Nin la dhihi karo hadal la siinayo ma jirto, nin walba cod leeyahay, nin walba akhtiyaar leeyahay, waa la dhageysanayaa waa loo sacbinaya wuxuu dhaho asiga yiri, sidaas shir ku noqonayaa, sidaas shirka guul ku gaari karaa, fowdada hala dhaafo”.