Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyada 2020

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxa ay ku ansixiyeen Dib u Eegista Miisaaniyadda dowladda 2020.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa cod gacan taag ah loo qaaday dib u eegista miisaaniyada oo ay wasaarada maaliyadda ay aad u daneyneysay.

Ansixintan ayaa oggolaatay 143 Xildhibaan halka 3 xidhibaan ay diideen,mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel marinta dib-ugu-laabashada Miisaaniyadda 2020 oo ansixinteedu muhiim utahay sii socod siinta howlaha Dowladda.