Maamulka Jubbaland oo sheegay in saraakiil Shabaab ah lagu dilay duleedka Cabdalla-Biroole

0

Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55-KM dhanka bari uga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegay in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan, isla markaana lagu dilay dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey.

Saraakiisha ayaa  sheegay in howlgalkaas ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi aysan magacooda warbaahinta la wadaagin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan tuulooyinka hoos taga deegaanka Cabdalla Biroole oo ay maanta ciidamadu howlgalka qorsheysan ka fuliyeen.