Kiisaska Covid-19 ee dalka Koonfur Afrika oo kabatay nus milyan

0

In kabadan nus milyan kiis oo ah xanuunka Covid-19 ayaa laga diiwaan galiyay gudaha dalka Koonfur Afrika sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sabtidii oo qura ladiiwaan galiyay in kabadan 10,107 kiis oo ah xaaladaha cusub ee xanuunka iyadoona tirada guud ay kor u dhaaftay nus milyan.

Sidoo kale tirada dhimashada ayaa kabadan 8,000.

Koonfur Afrika ayaa ah wadanka ugu daran ee qaaradda Afrika marka loo eego saameenta xanuunka iyadoona kala bar kiisaska qaaradda laga diiwaan galiyay dalkan.