Turkiga oo Imaaraadka Carabta Kula Xisaabtamaya Dhibaatoyin ay gaysteen, Kuna sifeeyay Arin yaab leh

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeysto oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.”

Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria.

Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara.

Isaga oo ka hadlayey arrinta Libya, ayaa Akar wuxuu yiri: “Waxaan kula talinayaa Masar inay ka fogaadaan hadallada aan nabadda u horseedeyn Libya, ee taas bedelkeeda sii hurinaya dagaalka.”

“Haddii Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Masar , Ruushka iyo Faransiiska aysan joojin taageerada ay siinayaan afgambiga Libya, marnaba heshiis lagama gaari doono qalalaasaha Libya,” ayuu yiri.

“Dalalkan waa inay ka hor-istaagaan Khalifa Haftar inuu ku guuleysto damaciisa, ayna xaliyaan dhibaatada Sirta iyo Jufra,” ayuu yiri isaga oo tix raacaya labada magaalo ee uu ku xoogan yahay dagaal-oogaha, kuwaas oo hadda ay kusii jeedaan ciidamada dowladda Libya, lana filayo inay dagaalo ka dhacaan,

Turkiga iyo Qatar ayaa taageera dowladda Libya ee ay is-hayaan dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar.