SAWIRRO:-Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen oo gaaray maanta magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Koofurgalbeed Lafta Gareen ayaa waxaa garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Koofurgalbeed ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyagoo ka wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hore ugu sugnaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda dowlada federalka