Hong Kong Oo Dalbatay Xariga Shaqsiyaad Ay Siwayn U Baadigoobayso

0

Booliiska Hong Kong ayaa dalbanaya in la xiro 6 qof oo u dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyada oo imika ku nool dalalka reer galbeedka sida UK, sida ay warbaahinta qortay.

Waxaa ka mid ah dadka ay Hong kong dalbanayso in la xiro Simon Cheng oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyada UK, Nathan Law oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo Samuel Chu oo ah muwaadin haysta dhalashada Mareykanka .

Waxaa shaqsiyaadkan loo haystaa in ay jabiyeen sharciga cusub ee ammaanka oo ay dowladda Shiinaha ku soo rogtay Hong Kong,sida uu baahiyay telefishinka Shiinaha.

Booliiska jasiirada Hong Kong ayaa dhankooda diiday in arrintaan ay ka hadlaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii doorashadii lagu waday in Hong Kong ay ka dhacdo bisha September ay dowladda dib u dhigtay muddo hal sano.

Go’aankaas ayaa lagu micneeyay sababo la xiriira kiisaska cudurka Covid-19 oo sare u sii kacaya.