Donald Trump oo dalkiisa ka mamnuucayo isticmaalka TikTok

0

Madaxaweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo isticmaalka TikTok oo ah bar muuqaalada lagu baahiyo.

Donald Trump ayaa waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxiixayo amar sare oo khadka looga saarayo bartan TIKTik oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Mareykanka ayaa ka cabsiqaba in App-kan oo ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan.

TikTok ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha ah in dowladda Shiinaha ay maamusho amaba ay la wadaagto maaculmaad la xiriira dadka Mareykanka.

Adeegga TikTok oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance.

Hase yeeshee weli macadda xilliga iyo sida loo dhaqan gelinayo mamnuucidda TikTok iyo caqabadaha sharciyan soo wajihi karo maamulka Trump.