DFS oo shaacisay xilliga ay furmayaan goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada dalka

0

Wasiirka Wafaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in iyadoo la khafiifinayo xayiradaaha dalka ee loo hakiyay xakameynta cudurka safmarka ee covid-19, dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah 3-da bisha  soo socota ee August si loo soo celiyo illaha dhaqaalaha maadaama saameyn ku yeeshey Cudurkan.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in isla 15-ka  bisha soo socota ee August goobaha waxbarashada dalka dib loo furi doono, kuwaas oo uu saameeyn ku yeeshay cudurka Covid-19.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay kulankoodii Khamiislaha ahaa ee golaha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodoba dhowr ah ee uu ka mid ahaa in dib loo furi doono goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada dalka.