Akhriso:-Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeeno Cusub

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada Arrimaha Bulshada iyo ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa xilka Guddoomiye Cusub ee Arrimaha Bulshada Baraawe loogu magacaabay inuu noqdo Xuseen Abuukar Cumar, halka Sahro Abuukar Cali laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmadaas.

Sidoo kale Wareegtada Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa lagu xusay in xilka qaadis lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenadii hore ee Arrimaha Bulshada iyo ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.