Xasan Shiikh oo Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidda, waxaa uu kula dardaamay in ay is gar gaaraan shacabku.

Waxa uu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku booriyey in ay gar gaaraan walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee danyarta ah si buu yiri “dhammaan shacabkeennu ay u ahaadaan kuwa faraxsan munaasabadan ciidda iyo waqtiyo kaleba”

Xasan Shiikh ayaa Alle  uga baryey umadda Soomaaliyeed in sannadkaan kiisa kale iyo sannaddo kale uu Barwaaqo iyo ammaan ku gaarsiiyo, waxa uu sidoo kale yiri aan ku duceysanno in ilaalay uu dalkeenna noo hagaajiyo.